Dhamaan madaxdii heer qaran iyo heer dawlad goboleed ayaa hoolka ku sugan.Shirkii wuu furmay waxaana shirka daadihinaya wasiirka arimaha gudaha ee dawlada federaalka Cabdiraxmaan Odowaa.
Waxa la sugaaba waa khudabaha ay jeedin doonaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Ugu horayn makarafoonka waxaa lagu soo dhaweeyay madaxweynaha martida loo yahay Axmed Maxamed islaan.
Waxaa hada socota khudbadii madaxweynaha Puntland C/wali gaas.
Waxaa xusid Mudan in khudbadda Gaas markey bilaabanaysay ay Buuq meesha ka yeerayeen, Waxaana shaashadaha laga maqlayay Codka Dumar Cabasho Muujinayay,
Faahfaahinta shirka iyo nuxurka khudbadaha laga jeediyo kala soco wararkaanaga dambe.
SAWIRRO : Kuraasta madaxdu fadhido: