Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa xarigga ka jaray qeybta V.I.P-da ee isbitaalka magaalada cadaado.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro, iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug, iyo Marti Sharaf kale.
Qeybtaan cusub oo loogu talagalay in lagu dabiibo dadka madaxda ah, waxaana bixiyey dhaqaalaha lagu dhisay qeybtaan bulshada degmada cadaado, waxaana arintaan aad u soo dhaweeyey madaxdii iyo martidii ka soo qeybgalay Munaasabafa Furitaanka.
Qeybtaan ayaa ka kooban ilaa lix qol iyo lix musqulood iyo barando, waxaana loo dhisay si casri ah.
Hoos ka Daawo Sawirada:-