Mareexaan Siyaasiyiinta Soomaaliya Mala Kala Badashaa? Haddii Lakala Badashose Maxaa Noo Diidaya Inaan Dhamaan Siyaasiyiinteena Ku Badalano Siyaasi Salaad Cali Jeelle?

0

Afeef: Siyaasi Salaad Cali Jeelle waxaan aaminsanahay inuu dhan walba oo laga eego uu ka wanaagsan yahay siyaasiiyta Mareexaan, dadnimada iyo damiirka ku jira ayaana sabab u ah in aan magaciisa soo qaato.

Nin ragg ah iyo qof damiir lehba runta kama nixiso, Waxaa xaqiiqo ah Siyaasiyiinta Mareexaan (Kirishbooyada Siyaasada Soomaaliya) in dhan walbaa oo la eego haddii ay noqon lahayd dhan siyaasadeed, dhan damiir iyo dhan dhaqanba ka wanaagsan yahay ex Xildhibaan siyaasi Salaad Cali Jeelle.

Mareexaan waxaa kaloo xaqiiqo ah in qaar badan oo idinka mid ahi markay qoraalkan akhristaan dhiiga ku karayo, balse waxaan idin leeyahay waxba dhiiga yuusan idinku karin soomaalida waxay ku maah maahaan nin iyo godka loo wado lama kala qariyo waana xaqiiqda dhabta ah ee jirta.

Waxaan hubaa haddii ex Xildhibaan Siyaasi Salaad Cali Jeelle uu ahaan lahaa ama u dhalan lahaa beesha Mareexaan in uu ogolaan lahayn kana dagaalami lahaa gunimada iyo waxa ay qaadanayaan kuna qanacsan yihiin kuwan sheegta inay yihiin Siyaasiyiinta Mareexaan balse aan u aqaan (Kirishbooyada Siyaasada Soomaaliya) ee horboodaya Mareexaan.

Soomaaliya waxbadan oo yaab leh ayaan ka maqalnaa amaba ka dhacay, balse ma hubo in ay iminka ka jidho ama ka bilaabatay in dadka ama siyaasiyiinta lakala badasho, laakiin haddii ay jidho in dadka iyo siyaasiyiinta lakala badasho waxaan Mareexaan weyne ka codsanayaa in ay si deg deg ah dhamaan siyaasiyiinta Mareexaan (Kirishbooyada Siyaasada Soomaaliya) ugu badashaan ex Xildhibaan Salaad Cali Jeelle.

Waxaa hubaa Ex Xildhibaan Siyaasi Salaad Cali Jeelle hadduu dhankeena u ciyaari lahaa ama nagu matali lahaa maanta ciyaarta siyaasada Soomaaliya ka socota inuu guulo siyaasadeed oo waaweyn oo la taaban karo noosoo hoyin lahaa, sababtoo ah kuwayaga u shaqeenaya gumeystaha waa bahdilan yihiin, kuweena sheeganaya wadaniyiintana waa bahdilan yihiin, haddaba soo ex Xildhibaan Siyaasi Salaad Cali Jeelle labada daarood mid idinma raaciyeen?

Mareexaan meel aad joogtaanba laabta ka ogsoonaada ninka idin dilaya waxaa ka xun ninka idiin hosaasinaya, maanta cida noo hosaasisay cadwoga sokeeye iyo cadowga shisheeyaba ee dabinkii mudo nalala doonayay nagu riday cid kale ma ahane waa kuwa sheeganaya inay yihiin Siyaasiyiinta Mareexaan matala ee anigana aan u aqaano (Kirishbooyada Siyaasada Soomaaliya), waana xaqiiqo inay yihiin Kirishbooyo, daliilna waxaa u ah taas darwalka (Wadaha) gaariga waxaa dusha u saaran Wiil yaroo kirishbooy ah oo wax u indha indheeya amaba u dhaga dhageeya, ogoow Siyaasaduna Darwal (Wade) ayay leedahay ninka daba socdaana wadaha siyasaada waa Kirishbooy Siyaasadeed.

Gabagabadi wax walbaa oo aan sameyno ama isku dayno hadaa nahay Mareexaan guul iyo gobanimo waartaa ma gaarayno inta ay na horboodayaan kuwan sheegta inay yihiin Siyaasiyiinta Mareexaan Matala noocay doonaanba ha noqdeene, waxaan ku talinayaa Mareexaanoow meel walbaa oo aad joogtaan awoodeena aan isugu geeyno sidaan ulla dagaalami lahayniyo  sidii aan dadkeena uga dulqaadi lahayn dhiigmiirata doollarka aruursada ee sheegta Siyaasiyiinta Mareexaan balse aan u aqaan (Kirishbooyada Siyaasada Soomaaliya) ee dadkeena iyo deegaanadeenaba siistay Dollarka, oo nin walbaa oo kamid ah maalina qaylinayo oo Mareexaan iska dhigayo, maalina cadowga burburinaya Mareexaan la socda oo horboodaya.
Heeryada ninkii kugu raree, hoygii kaa bixiyey
Iyo kii ku hoosaasiyaa, waa isla halkiiye
War how kala habaynina dagaal, haayirkiyo tuuga

Wabilaahi Towfiiq

W/Q: Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg