Mareexaan Soomaali Idinma Rabto, Dowladdaha Deriska Ahna Idinma Rabaan, Dowladdaha Caalamkana Warkoodaba Daa.

0

Afeef:Nin ragga oo damiir lihi waa uu garanayaa waxaan ka hadlayo waxay yihiin, doqon miciyo dheerna waa yeelkii waligiina ha u maleeyo in aan caayayo Mareexaan.

Waxaa horey loo yiri Diinoow habar dugaag waa kuu tashatay, saa waxuu yiri Diinki meeshii habar dugaag iigu tashanaysay soo Ilaahay ma joogin, waxaan ulla jeedaa beesha Mareexaan waa loo tashtay waxaana u tashtay Soomaali, Kenyati, Itoobiyaan iyo gumeyteyaasha kale ee Caalamka, balse waxay hilmaameen  meeshay Mareexaan ugu tashanayeen in Allaah Subxaanahu Watacaalaa uu joogay.

Mareexaan marxaladan adag ee maanta heysata ama uu ku jiro kuwo ka xun ayuu soo maray xiligii gumeystaha dalkeena haystay oo taariikhdoodana waa ay qoran tahay oo tiro dad iyo mid xoolaba waagaas ayay ka yaraayeen ,weligoodna guusha iyagey u dambeen jidhay, Soomaali xunoo gumeyste u shaqeenaya iyo Gumeystahaba waan hubaa inaan ka guuleysanayno maalin ay noqotaba amaba waqti ay qaadataba, waxaase balan ilaahay ku galayaa inaan qalinka aan sito aan dhigin intaan noolahay kana helayo Mareexaan oo mideysan iyo Gumeyste iyo Gumeyste kalkaal oo Soomaaliya laga nadiifiyay.

Soomaali waxay ogolaatay raalina ku noqdeen in gumeystaha uu gumeysto, waxayna gumeystaha ka codsadeen Soomaalida kale in loo ogolaado iyagana inay meesheey ku arkaanba gumeystaan Mareexaan, waxaana daliil u ah eega sida awood qaybsiga loogu saleeyay Gobolka Gedo, Gobolada Dhexe, gobolka Jubbada dhexe sidoo kalena eeg Bay iyo Bakool iwm. maxaa kuu soo kuuma soo baxayso kaagana waan kula leeyahay, keygana waa ii gaar?

Mareexaan Soomaali idinma Rabto, Dowladdaha Deriska Ahna Idinma Rabaan, Dowladdaha Caalamkana Warkoodaba daa, waxaan u daliishanayaa hadalkeygaas cadeyn cadna u ah, qofkii waxgaranaya ama lahayn ujeedo kale durba uuu fahmayaa waxaan ka hadlayo inay saxiix yihiin, mudo afar sano ah waxaa ka socday magaalada Kismaayo xasuuq ay geesinayaan Soomaali iyo Kenyati wada socda oo dowladdaha caalamkana dhaqaale ku siinayeen oo aan loo kala soocin rag, waayeel, dumar iyo caruur, waxaa sidoo kale barbar socday barakicin dhac, kufsi, xarig iyo caga jugleyn joogto ah oo lagu hayo dadka u nasab sheegta Mareexaan, mana ay jirin cid ka danqatay ama u istaagtay ama isu xilqaantay baajinta xasuuqa heyb sooca ahaa ee ka socda Kismaayo.

Dagaal mudo gaaban socday ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo, Dowladdi Soomaaliya, odayaashi dhaqanka soomaalida oo dhan, maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira, Dowladdihii IGAD iyo Beeshi Caalamka iwm dhamaan waa lagu yaacay sidii loo baajin lahaa colaadaas ama dagaalkaas ka dhacay magaalada Gaalkacyo, Taas maxay daliil u tahay? Mareexaanka lagu xasuuqayay iyo dagaalada ka dhacay Kismaayo ee aan laga hadlin ma waxaa ka fadli badan kana soomaalisan dadka ku dhimanayay dagaalki ka socday magaalada Gaalkacyo. taase soo kuu cadeeynay mayso inaan Mareexaan Soomaalina Rabin, Dowladdaha Deriska Ahna Rabin, Dowladdaha Caalamkana Rabin.? aniguse dhamaantood  waxaan oranayaa hadeydnaan na rabin, anaguna idinma rabno, Allaah Subxaanahu Watacaalaa kaliya ayaan rabnaa unna baahanahay.

Kaba soo tag intaas oo dhan iyo Kismaayo, meeyd kaas la sii wadaa u dambeeyay maalmo ka hor Ciidamada Kenya ayaa waxa ay xasuuqeen shacabkii Mareexaan ee Degmada Ceel cade, ma maqasheen Dowladda Soomaaliya oo ka hadleysa ama war kasoo saartay, ma maqasheen maamul kale oo ka hadlay ma maqasheen beesha Caalamka oo cambaareynaysa? war duli ilaahey idinma badin ee maxaad ku falaysaan dulinimada iyo gunimada adinkoo gobanimo iyo sharaf ku noolaan kara aduun iyo aaqiraba?

Mareexaan waad hurudaan, been baadna isu sheegeysaan, waana leydin maaweelinayaa, Soomaalida ayaa markay arkaan qof Mareexaan ah waxay ku dhahaan walaahi Mareexaan Soomaali dhab ah baa tihiin, waa dad aan cabanayn, waa dad cuqdad aan lahayn,waa wadaniyiin, dadlkan iyo dadkan adinkaa hogaamin kara oo kaliya, waa aflagaado, waa been iyo nahaabnimo, wax ka jira warkaasna majiro, waxaa laydinku tilmaamayaa dad aan kala garanayn ninka soora iyo ninka dila, maxay tahay waa dad aan cuqdad lahayn oo qofkii waxyeelaa gaadka ku qaadanaya, war aduunka Soomaali waxay arkaan ama maqlaan waxay ugu neceb yihiin qofka Mareexaanka ah ee nool, cid idin rabtaa majirto, adinkana isma rabtaan ismana indho buuxin kartaan, waxa idin kala dilaya ama idin kala fogeenaya oo leydiin sameystay ama leydiin soo adeegsanayana inay idin kala dilaana ama idin kala fogeeyaan waa niman tiro yaroo Mareexaan ah oo sheeganaya inay yihiin siyaasiyiin oo iyaga dano gaar ah leh islamarkaana dadyoow shisheeye ah u shaqeenaya intaas miyaad garan la’adihiin?

Nimankan sheeganaya Siyaasiyiinta balse aan aniga u aqaan (Kirishbooyada Siyaasada Soomaaliya) ee loo adeegsanayo  kala furfurka  iyo kala dilka, kalafogeynta hadii ay noqon lahayd dhaqanka, midnimada, siyaasad iyo horumarka beesha Mareexaan hadaad ku farxi lahayd iyo hadaadba ka nixi lahayd, Walaaleyaal dhamaantood waxay mushaar ka qaataan, baqaaro, xafiisyo iwm oo ku kala yaala, Muqdisho, Kismaayo Iyo Garoowe, waana la yaqaanaa nimankaan dhamaantood oo waxaana la oran karaa hebel iyo hebel, intaan wado qoraaladana Insha Allaah wey tageysaa inaan magac dhabno nimankan siyaasada soomaaliya ka ah (Kirishbooyada).

Mareexaan caqli noqon mayso soomaali iyo dowladdaha caalamka nama rabaan, annagana isma rabno, waan hubaa haddii mareexaan istaago oo ay gacmaha isqabsadaan inaan ka adagnahay (Kirishbooyada Siyaasada Soomaaliya) ee u adeegaya dadywoga kale ee Soomaalida ah iyo gumeystaha dhamaantood dusha ka xukuma ee kaca oo diida dulmiga bareerka ah ee la idinku hayo, ma waydnaan ahay insaan diiraya oo damiir leh, ma waydnaan ahayn warasadii SADE, ma waydnaan ahayn halyeeyadi markii Soomaali gunimo doorataan diidi jiray ee waranka qaadan jiray ee sokeeye iyo shisheeyba ka marag kici jireen xanuunka warankooda? war aawaye dadkeygi damiirka iyo dadnimada lahaa ee dulmiga iyo dulinimada diidi jiray? Aaway Mareexan?

Waligiin ogaada Dulmi iyo gumeyste ma waaraan ilaa loo waayo dad diida dulmiga iyo gumeysiga, sidoo kalena haddii aad  dib u eegto taariikhda gumeysteyaashi ama quwadihii aduunka soo maray ee gumeysan jiray dadyowga kale ma aysan waarin waayo dadka ayaa diiday ku kacay gumeysiga sida Roman-kii iyo Ingiriis, Nazi-gii Jarmalka iwm.

Gabagabadi Walaaleyaal waxba idiin soo kordhin maayaan inaad daba istaagtaan ama daba socotaan amaba wax ka sugtaan nimankan sheeganaya Siyaasiyiinta ee damiirkooda iyo garashadoodaba ku kooban yahay inay siyaasiyiinta kale ee Soomaalida u noqdaan (Kirishbooyga Siyaasada Soomaaliya) 24-ka saacna hamigooda ugu weeyn ee ay leeyihiin uu yahay xageed shilimo ka heshaan, waxa ay helayaan ama dadka iyo deegaanada Mareexaan siisanayana ama ku doorsanayaan ciil ma qabeen xataa hadey gaareyso malaayiin doolar, Walaaleyaal waxa ay nagu doorsanayaan ama ay helaan waa  aad heshaan tikidyo diyaaradeed, qado iyo hotelo laga baxsho qarashkooda? waa gunimo inaan dadka noocaas ah ku haleyno masiirka iyo magaca Mareexaan, waa musiibo, waa ihaano, waa qurun nimo waxii iminka ka dambeya inaan ku daawano ama u dulqaadano kuwa noocaas ah inay bulshadeena horboodaan ama sheegtaan inay iyagu hogaan iyo siyaasiyiin u yihiin, waa inaan si deg deg ah u biloownaa meel walba oo aan joogno kacdoon ka dhan ah (Kirishbooyada Siyaasada Soomaaliya), kuwaas oo aynaan meel isaga xirin amaba aynaan ka taqalusina Walaahi baan ku dhaartee Mareexaan hadaan nahay inaynaan horumar iyo guul nololeed gaareyn dadkan iyo caalamkan nagu soo duulayna aynaan iska dhicinayn.

Naftu inay maqnaatiyo inay, mahad ku noolaato
Maaweelis weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye

Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye
Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiine

Anigu gumeyste inuu i gumeysto waan diiday, Anigu nin gumeystaha uu gumeysto inuu i gumeystana waan diiday!

mr1

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg