DHAGEYSO:- Kenya oo ciidamo badan usoo dirtay dalka Soomaaliya

0

Dowlada Kenya ayaa ciidamo badan usoo dirtay dalka Soomaaliya si ay usii wadaan baadi-goobka iyo badbaadinta ciidamo dowlada Kenya ku weysay dagaalkii Ceel-cadde, sida uu sheegay Taliyaha ciidamada difaaca dalka Kenya Samson Mwathethe oo saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ciidamada Kenya usoo dirtay dalka Soomaaliya oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada ayaa kasoo gudbay dhanka xuduuda si ay howlgal kaga sameeyaan deegaanka Ceel-cadde iyo deegaanada kale ee ku yaala gobolka Gedo.

Howlgalka ciidamadaaasi ay ka sameynayaan dalka Soomaaliya ayaa taliyaha ciidamada Kenya wuxuu ku sheegay in laga doonayo iney baabi’iyaan saldhigyada Alshabaab ee Gedo ayna soo badbaadiyaan saraakiisha ciidamada Kenya ee gacanta ugu jiro ururka Alshabaab.

“Ciidamadii ugu dambeeyay ee dhulka kana tirsan guutada dhulka oo ujeedadooda tahay iney la dagaalamaan kana guuleystaan Alshabaab ayaa kusii jeeda Ceel-cadde, si ay u xoojiyaan ciidamo kale oo Kenyan ah oo baadi doon ugu jiro saraakiil gacanta Alshabaab ku jiro,”

“Dagaalka waxay ka sameyn doonaan deegaanada gobolka Gedo iyaga oo adeegsanaya gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha dagaalka si ay Alshabaab u baabi’iyaan xitaa gobolka Baay ayay Alshabaab kula dagaalami doonaan”ayuu yiri taliyaha ciidamada difaaca Kenya.

Dowlada Kenya oo qasaaro uu kasoo gaaray dagaalkii deegaanka Ceel-cadde ayaa duqeymo badan oo dad rayid ah waxyeelo ay kasoo gaartay ka fuliyay gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-