Bakistaan “Go’aanka Maxkamada Sare ee Dalka waa Dulmi aan Geed loogu soo ganban..

0

Maxamed Ibraahim Bakistaan Xogayahii Hore ee NOSOJ ayaa waxaaa uu ka horyimid Go’aankii ka soo baxay Maxkamda Sare ee Dalka Kaas oo ahaa in Xogayaha NOSOJ uu yahay Cumar Faaruuq Cismaan,kadib markii Maxkamadu qaaday dacwad mudo soo socotay.

Bakistaan oo Maanta Shirjaraa’id ku qabtay Hoteelka Gaabow ee Muqdisho isaga oo garbihiisa joogaan qaar kamida Madaxda Warbaahinta Muqdisho iyo Wariyaal  ayuu ku sheegay in isagu yahay Xogayaha saxda ah ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Go’aanka Maxkamaduna yahay mid ay iska gaartay.

Maxkamda Sare ee Dalka ayaa shaacisay In ogaan laga gaaray isqabqabsi ka jiray Magaca NOSOJ iyadoona u xukuntay ugu danbeyntii  Cumar Faaruuq.

Cumar Faaruuq oo Shalay isna Warbaahinta lahadlay isaga oo garbihiisa joogaan  qaar kamida warbaahinta Mmuqdisho iyo wariyaan in uu taageersan yahay Go’aankii Maxkamada Sare ee Dalka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

70187602_mahadaden2-300x300 Bakistaan-3 Bakistaan-4