Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Maamulka Jubbaland oo la Wareegay deegaano ka tirsan Jubooyinka

0

Ciidamada dowlada Ethiopia iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa waxay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Amarka ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku wareereen saldhiga ciidamada Alshabaab ku lahaayeen duleedka magaalada Kismaayo ayaa ka dambeeyay kadib kulan dhexmaray madaxweynaha Jubbaland iyo saraakiisha AMISOM.

Ciidamada Alshabaab ayaa kala wareegay AMISOM degmada Marko halka dhankooda lagala wareegay deegaano dhow rah oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa ku billowday duqeyn ay sameeyeen ciidamada Itoobiya, waxaana xigay iska horimaad toos ah oo aad u qaraar oo dhex maray labada dhinac.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka.Isgaarsiinta Kismaayo iyo gobollada Jubbooyinka ayaa jaran, dagaalkana weli waa uu socdaa.