DAAWO:- Gudoomiyaha Saxafiyiinta NUSOJ Cumar Faaruuq oo wali lagu dhegan yahay

0

Garyaqaanka guud ee dalka Dr Cismaan Cabdullahi Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa go’aan sharci daro ah ku tilmaamay in maxkamada sare ee dalka ay Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta qaranka ee NUSOJ ay u aqoonsatay Cumar Faaruuq Cismaan.

Maxkamada sare ee dalka ayaa cadeymo badan kadib aragtay in Cumar Faaruuq uu yahay gudoomiyaha rasmiga ah ee saxafiyiinta qaranka hase ahaatee garyaqaanka guud ee dowlada Soomaaliya ayaa tilmaamay iney go’aankaas racfaan ka qaadan doonaan.

Halkaan ka daawo

https://www.youtube.com/watch?v=YvY_RScvkNk