Daawo Muuqaalka Nin Xaaskiisii Dilay Ka dibna Soo Dhigay Facebook-ga oo La Xukumay

0

Maxkamad ku taal magaalada Miami ee Gobolka Florida, Mareeykanka ayaa jimcihii xukun xabsi daa’in ah ku riday nin Xaaskiisa dilay kadibna sawirkeeda iyadoo oo dhig wada leh soo dhigay Facebooka.

Dhacdadaan ayaa si weyn usoo jiidatay guud ahaan shacabka ku nool Mareeykanka, maxaa yeelay Derek Medina ayaa markii uu dilay xaaskiisa bartiisa Facebooka soo dhigay sawirka iyadoo meyd ah, waxaana uu qirtay inuu isaga dilay, Derek Medina oo 33 jir ah, ayaa markii sawirka Xaaskiisa uu dilay Facebooka kusoo qoray sidan, “waxaa leygu xukumi doonaa Xabsi ama waa leey daldali doonaa maadaama aan dilay xaaskeyga”.

Derek Medina, ayaa asiga naftiisa is geeyay saldhig Boolis iskuna dhiibay ciidamada amaanka Miami, Maxkamad ku taal Miami ayaa Medina markii uu afkiisa ka qirtay inuu dilay xaaskiisa ku riday xabsi cimrigaa haku furto ah, Afhayeen u hadlay Maxkamada, ayaa warbaahinta u sheegay in Medina uusan fursad u haysan in laga cafiyo dambiga uu galay.

Qoyska dhalay dhalay Xaaska uu dilay, ayaa maxkamada ka dalbaday in Derek lagu xukumo dil oo aan xabsi la dhigin.

Dhacdadaan ayaa soo jiitameysay ilaa sanadkii 2013-kii.

Hoos ka Daawo Muuqaalka, iyo Sawirada:-

dddddd