Daawo Muuqaalka Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka oo Koormeeray Dhismaha Cusub ee Wasaarada Batrool

0

Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta koormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya.

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd markii dib u habayn balaadhan lagu sameeyay Wasaaradda Batroolka oo gabi ahaanba markii hore burbursanayd, waxaana dadaal dheer oo Xukuumaddu ka gashay ka dib u habayn lagu sameeyay.

Ra’iisal Wasaare ku- xigeenku Mudane Carteh wuxuu soo kormeeray dhismaha Wasaaradda Batroolka oo ka koobnaa dhisme saddex dabaq ah, loona qalabeeyay qaab casri ah,Waxaanu amaan iyo mahadcelin u jeediyay Wasiirka W/Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo shaqaalaha Wasaarada Batroolka oo xil weyn iska saaray hirgelinta dhismahan cusub.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=RZDMbk1CBm0