Daawo Sawirada dadkii ay laayeen Kooxda Boko Haram oo Xaaladooda ay soo hagaageyso

0

Kooxda Hubeysan ee ee Isbahaysiga la ah Kooxda Daacish waxay sii kordhiyeen falalka Is-qarxinta ee ay ka geystaan dalka Nigeria, gaar ahaan Goballadda ku yaalla W/bari ee dalkaasi.

17,000 oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen Weeraradda Boko Haram ee soo bilowday 7 sanno ka hor.

Dadka geeriyooday waxaa u sii dheer Kumanaanka kale ee ay dhaawacyo culus soo gaaray, kuwo ku lixaad belay, kuwo ku gubtay iyo kuwo ay ku yaallaan dhaawacyo aan laga rajo qabin inay ka soo kabtaan.

Toddobaadkan gudihiisa, 2 haween ayaa isku qarxiyey Xero Barakacayaal oo ku taalla Degaanka Diwaaka oo u dhow  magaalladda Maiduguri ee Gobalka Borno ee W/bari Nigeria.

Saraakiisha Maaraynta Gurmadka, waxay sheegeen inay 51 qof ku geeriyoodeen qaraxyadaasi, iyadoo 78 kalena ku dhaawacmeen.

Haweeney 3-aad oo isqarxin lahayd ayaa la qabtay, waxay Saraakiisha Boliska u gudbiyey xog ku aadan Is-qarxin kale oo la qorsheynayo in lagu soo qaado Xeradda Barakacayaasha ee ku yaalla Deegaanka Diwaaka.

Xeradda Barakacayaasha ee la weeraray waxaa ku nool ku-dhawaad 50,000 oo qof oo ay Boko Haram ka soo barakiciyeen guryahooda.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

BH4-300x2001 BH4-300x200 BH5-300x2001 BH5-300x200 BH6-300x200 BH-10-300x200 BH8-300x206 BH6-300x2001