Daawo Sawirada Magaalada Nairobi oo ka furmay Shir Caalami ah iyo Taliyeyaal Sare oo ka qeyb galay

0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu ka furmay Shir ay isugu yimaadeen Taliyeyaasha dalalka ciidamada ay ka joogaan gudaha dalka Somaliya.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalaya Wakiilada UN,AU iyo sidoo kale Guddiga Isku Xidhka Howlgalka Amisom, waxaana muhiimada Shirka ay tahay in la iska wareysto xaalka ciidanka Amisom.

Saraakiisha ciidamada dalalka ay ka joogaan gudaha dalka Somaliya ayaa iska xaal wareysan doona xaalada dalka Somaliya iyo ciidamada jooga gudaha dalka ee dalalkooda ka socda iyo qaabka hada uu ku socdo Howlgalka Amisom.

Ujeedka Shirkaan ayaa ah qiimeyn lagu sameynaayo howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya iyo sidii loo ballaarin lahaa, maadaama ciidamada Amisom Somaliya ay u joogaan la dagaalanka Shabaab.

Lama oga in Shirka lagu soo hadal qaadi doono Weerarkii 15-kii Bishii aan soo dhaafnay Shabaab ay ku qaadeen Saldhigii ciidamada Amisom ee Degmada Ceelcadde.

Wixii markasi ka dambeeyay ciidamada Amisom ayaa isaga baxay Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Ciidamada Amisom ayaa Waxay ka kala socdaan dalalka Uganda, Burundi, Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Amisom 1 Amisom 2 Amisom 3 Amisom 4 Amisom 5