Daawo Sawirada Masuuliyiin ka tirsan Dowlada oo koormeeray Garoonka Kubbada cagta ee Koonis

0

Wasaaradda isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in dib u dayactir guud lagu sameyn doono garoonka kubadda cagta ee banaadir stadium, iyadoo ku baaqday in laga wada qeyb qaato soo dhaweynta loo sameynayo cayaartooyda da’yarta ah ee Qatar ku sugan.

Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow oo uu wehliyo Agaasimaha waaxda isboortiga ee Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda iyo bahda isboortiga ayaa maanta kormeer howleed ku tegay garoonka kubadda cagta benadir stadium ee degmada halkaasi, halkaasi oo uu ugu kuurgalayay xaaladda guud ee garoonka iyo bur burka meelo qaar ka jira garoonka.

Mudane Cismaan Aadan Dhuubow Wasiir ku-xigeenka Cayaaraha iyo dhallinyarada ee Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhawaan bilaabi doonto dhismo guud oo xagga garoonka ah, si loo xoojiyo xagga amniga iyo dhanka adeegyada ay u baahanyihiin dadka u soo daawasho tega garoonka..

Wasiirka ayaa ugu baaqay dowladda iyo bahda isboortiga in soo dhaweyn iyo hab maamuus Qaran loo sameeyo da’yarta Soomaaliyeed ee dhawaan ka qeyb galay tartan kubadda cagta ah ee lagu qabtay dalka Qatar, kaasi oo ay ka soo hooyeen magac weyn, loona baahanyahay in la dhiiri geliyo cayaartooda mustaqbalka leh…

Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow oo kormeer ku tegay garoonka kubadda kolleyga ee Wiish ayaa sheegay in Wasaaraddu aysan ogolaan doonin dhismo sharci darro ah oo laga dhistay qeybta dabaasha iyo qeybta xafiisyada ee garoonka, isagoo digniin u diray dadka dhistay garoonka ex-luujino iyo kan Waamo ee degmada Boondheere ku yaalla.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

4 1 2 3