Dekeda Magaalada Hobyo oo la dhagax dhigay iyo dhismo Cusub oo laga bilaabay

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa si wada jir ah Maanta u dhagax dhigay Dekada Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Maamulkooda uu ka go’an yahay dhismaha iyo hormarinta degmada Hobyo.

Waxa uu tilmaamay in ay wanaagsan tahay in shacabka hobyo ay u istaagaan la shaqeynta Maamulka Galmudug iyo Dowlada Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa oo dhagax dhiga ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shacabka Hobyo loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaataan hormarka Degmada Hobyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hormarka iyo xasiloonida Degmada Hobyo iyo hormarkeeda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Dhexe ay si hagar la’aaneed u taageereyso Shacabka Degmada Hobyo iyo welibo Maamulka Galmudug.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqo Maamulka Cusub ee Degmada Hobyo.