DHACDO NAXDIN LEH:- Wuxuu ku weeraray maqaayada Maqar balse waa la toogtay

0

Nin Somali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Baare ayaa la sheegay inuu maqar ku weerar Maqaayad ku taalla magaalladda Kolombus ee Gobalka Ohayo, oo uu lahaa Nin ka soo jeeda Carabta Yuhuudda.

Telefishinka CBS News ayaa sheegay inuu Ninkaasi maqar la dhacay dad ku sugnaa Barakaasi oo lagu magacaabo “The Nazareth Mediterranean Restaurant”.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ninka Soomaaliga soo galay Baraka, isagoo raadinayo Milkiilaha Baarkaasi oo lagu magacaabo Hani Baransi, kaasi oo aan xilligaasi joogin Baarka.

Waaxda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ayaa sheegtay inay baarayaan Kiiskaasi lagu dilay Ninka Soomaalida ee dhaawaca u geystay 4 qof oo ka mid ahaa dadkii ku cunteynayey Baarkaasi, iyadoo mid ka mid ah xaalladiisa laga dayriyey.

Boliska ayaa la sheegay inay baacsadeen ninkaasi oo ku baxsaday gaarigiisa, iyadoo ay Boliska toogteen, markii uu isku dayey inuu iyaga maqar ku weeraro.

Eedeysanaha Soomaaliga ee la toogtay ayaa la sheegay inuu sannakii 2012-kii u safray magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka, sida uu xubin ka tirsan Saraakiisha Xoojinta Sharciga Maraykanka usheegay Telefishinka CBS.

Ilo Hay’adda Sharci-xoojinta Maraykanka ayaa u sheegay Telefishinka ABC News inay Dembi-baarayaasha FBI-da yaqaaneen Maxamed Baare, isla markaana uu ka mid ah dadka lagu tuhunsanaa inuu ka tirsanaa Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ninka Soomaaliga soo galay Baraka, isagoo raadinayo Milkiilaha Baarkaasi oo lagu magacaabo Hani Baransi, kaasi oo aan xilligaasi joogin Baarka.

1