DHAGESYO:- Wasaaradda Waxbarashada oo sheegtay in ay dedejineyso Manhajka Waxbarashada Dalka

0

Wasaaradda Waxbarada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan ay u qabatay Wsiirrada Waxbarashada maamul Goboleedyada dalka iyo Guddiga diyaarinaya Manhajka Waxbarashada Dalka ayaa waxaa ay sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay diyaarineyso Manhajkii dalka ee Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka ah Xaamud Cali Xasan ayaa sheegay in Guddigan loo diyaariyay in ay sameeyaan Manhajka Dalka aysan jirin cid kale oo lagu so darayo iyaguna yihiin Dad si fiican u yaqaanna Af Soomaaliga diyaarinta Manhajkana aqoonta u leh.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin qasab wama culeys gaar ah oo Guddigaasi lagu saarayo in ay dhameystiraan Manhajka Dalka,maaddaama Manhajka uu mari karo isbeddel in lagu sameeyo.

Halkaan ka dhageyso