DHAGEYSO:- 25 Sano ka dib Suuqii Degmada Dharkeynleey oo dib loo howl geliyay

0

Suuqii Weynaa ee Degmada Dharkeynleey ee Cali Ugaas oo ka mid ah Suuqyada ugu waa weyn ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa mudo 25 sano ka dib dib loo furay ka dib markii la dhameystiray dayactirkiisa.

dib u howl gelinta Suuqaan ayaa waxaa iska kaashaday Maamulka Degmada Dharkeynleey, ganacsato iyo Maamulka Gobolka banaadir.

Gudoomiyaha Degmada Dharkeynleey Cumar Meyre Macoow oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay dib u howlgalinta Suuqa iyo qaabka ay ugu suurta gashay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-