DHAGEYSO:- 4.7 Milyan Oo Soomali ah ayaa U Baahan Gargaar

0

Qiyaastii 22 malyuun oo qof oo ku nool Bariga Africa ayaa u baahan gargaar cunno oo lala gaaro, iyadoo ay ugu wacantahay roobab xooggan oo lala xiriiriyey dabeylaha El-Nino oo gobolka ka da’ayay tan iyo bishii June ee sanadkii 2015kii, sida ay sheegtay QM.

Dalka Soomaaliya, ayaa xafiiska isku duwidda gargaarka ee Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in dad gaaraya 4.7 millian ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Dhibaatada, ayaa waxa ay ugu daran tahay qeybo ka mid ah deegaanada Puntland iyo Somaliland.

Peter de Clercq oo ah madaxa xafiiska isku duwidda gargaarka ee QM, ayaa shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay waxa uu ku sheegay in xaladda ay kasii dareyso.

Halkaan ka dhageyso