DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Mar kale dib u qabsaday Magaalada Marko iyo Marko oo Jawi Cusub gashay

0

Ururka Al-Shabaab ayaa si buuxda gelinkii dambe ee Maanta ula Wareegay magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose oo la sheegay Saakay in dagaal loogu saaray.

Goobjooge ku sugan Magaalada Marko ayaa Idaacada Risaala u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay iminka ku sugan yihiin Magaalada Marko oo ay la waregeen gelinki dambe ee Maanta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xaalada Magaalada Marko ay degan tahay isla markaana aysan ka jirin wax dagaal ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay Saldhiyo waa weyne ka sameysteen gudaha Magaalada Marko.

Waxa uu beeniyay Wararka sheegay in dadka shacabka ahaa ee deganaa Magaalada Marko ay ka barakeen Xaafadaha Magaalada Marko isla markaana aysan wararkaasi jirin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-