DHAGEYSO:- Alshabaab oo gudaha u galay qeybo kamid ah magaalada marka ee xarunta gobolka sh. Hoose

0

Sida ay inoo soo sheegeen dad ku sugan Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow Magaalada ay galeen Maleeshiyaad Aad uhubeeysan oo katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Shabaab ayaa lashegayaa in Magaalada ay soo agaleen kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii AMISOM Ee Deganaa Xarunta Dowlada Hoose Ee Marka.

Xaafadaha Ruusiya iyo Aw-baale iyo kuwo kale ayaa la sheegayaa in Kooxda Shabaab Maleshiyadooda ay gudaha ugaleen oo lagu arkayo iyagoo kuhubeysan hub culus.

Ciidamada Deegaanka ayaa iyana magaalada waxaa ay kaga sugan yihiin nawaaxiga Xaafada Buulo jaan Ee Isla magaaladaasi.

Lama oga waxa xiga kabixitaanka AMISOM Ee Marka iyo qabsashada Xaafadaha Qaar Ee Magaaladaasi oo goordhow gudaha ugaleen kooxda Al-Shabaab.

Halkaan ka dhageyso Codka