DHAGEYSO:- Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay dhismaha Hay’ada maareynta masiibooyinka

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay dhismaha Hay’ada maareynta masiibooyinka.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur iikar oo kulanka shir gudoominaayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Dhanka kale Xildhibaanada ayaa talooyin ku daray hindise sharciyeedka xanaanada xoolaha oo manta maray aqrintiisa labaad.

Xildhibaan Saciid Maxamed Cali oo ah gudoomiyaha guddiga Xanaanada Xoolaha ee Baarlamaanka ayaa Xildibaanada ka hor aqriyay wax ka bedelida hindise sharciyeedka Xanaanada Xoolaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay sugayaan talooyin kale oo ay ka dhageystaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaalya ayaa warbixin ka dhageystay guddiga xuduudaha, waxayna dood ka yeesheen warbixinta guddiga.

Hoos ka Dhageyso Codka