DHAGEYSO:- Baarlamaanka Soomaaliya oo Xukuumada u qabtay Muddo 10 Maalmood ah

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Kulankii Baarlamaanka ee Maanta  sheegay in xukumada Soomaaliya laga doonayo in ay wax ku darsi ama ka dhimis ku sameyso Sharciga Axsaabta Dalka oo iminka horyaalla Baarlamaanka

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya in maalmo yar ay u qabteen Xukuumada taasi oo ku aadan in ay ka talo bixiso sharciga horyaala Baarlamaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhim tahay in Sharcigaan il gaar ah lagu eego isla markaana si adag loo tifaftiro.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xusay in Xukuumada laga sugayo in ay kaalinteeda ka qaadato Sharcigaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-