DHAGEYSO:- Beesha caalamka oo wali kulamo laysku mari la’yahay garoowe kula leh masuuliyiinta puntland

0

Iyadoo Sadaxdii Cisho ee la soo dhaafay shirar aan kala kac lahayn Magaalada Garow ay ku lahaayeen Madaxda Maamulka Puntland-Xubnaha Wafuuda beesha Caalamka ee Amp Mishel Kiitan uu hogaamiyay,Siyaasiyiin Waxgrada Ismo , Xubno ka Mid ah Barlaamanka iyo Qeyb ka Mid ah Ururada bulshada waxa maanta si rasmi ah loo shaaciyay Natjitada         Qobobadi dhaxal galka ahaa ee shirarkaasi ka soo baxay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas-iyo Wakiilka Xogyaha Guud ee QM u qabilsan Arimaha Dalka Somalia Amp Mishel Kiiten ayaa shirar Jaraa;id si wada jir ah bahda Saxaafadda ugu qabtay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garowe,Waxayna ka War bixiyeen Natjiiada Qodobadii ka soo baxay shirarkaasi.

Madaxweynaha Puntland oo ugu horeyn hadalka qaatay wuxuu sheegay in sadaxdii cisho ee Wfuudan ay ku sugnaayeen Magaalads Garowe u gudbiyeen guud ahaan Aragtida xukuumada shacabka isamada siyaasiyiinta iyo baarlamaanka Putland ay ka qabaan go’;aanka ay ku diidan yihiin Nidaamka habka Wax qeybsiga beelaha ee 4.5 Wuxuu cabdiweli gas uu sheegay inasay jirin wax heshiis ah oo arimahaasi laga gaaray balse uu is afrad jiro.

Sidoo kale Wakiilka XOghaya guud ee QM u qabilsan Arimaha Dalka Somalia Miishel Kiiten ayaa dhankiisa shegay in xubnihii ay Garowe kula kulmeen Aragtooda dhageysteen Natiijada wixii kulamadaasi ka soo baxay ay dib ula laaban doonaan Magaalada Muqdisho kulamo kalana laysugu imaandoono.

Halkaan ka dhageyso