DHAGEYSO:- Ciidamada Dowlada oo ku raad jooga askari degmada afgooye ku toogtay sargaal ka tirsan ciidanka dowlada ee gobolka Sh/Hoose

0

Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay inay ku raad joogaan askari dil u geystay nin sarkaal ahaa oo ku sugnaa degmada Afgooye, kaasi oo degmada lagu dilay.

Yuusuf Axmed, oo ah gudoomiye ku xigeenka amaanka maamulka degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in laamaha amaanka degmada ay baadigoobayaan askariga dilka ka geystay degmada Afgooye.

“Ninkii waan ku raadjoognaa, laamaha amaanka aya aku raadjooga sidii ninkaasi loosoo qaban lahaa, si kama ah ayuu dilka u dhacay, waa lasoo qaban doonaa sharciga waxa uu ka qabo ayaana la waafajinayaa”ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in laamaha amaanka ay xaqiijinayaan amaanka degmada Afgooye, isaga oo sheegay in xaafadaha magaalada ay roondo ka sameeyaan habeenkii ciidamada dowlada Soomaaliya.

Shacabka degmada ayuu sidoo kale ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago dhibaato amaan oo ka dhacda degmadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-