DHAGEYSO:- Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degaanka Buurweyn

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay gacan ku heynta Degaanka Buurweyn ee Duleedka Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Huwanta ayaa si nabad galayo ah kula wareegay Degaanka Buurweyn oo qiyaas ahaan 30Km u jirta Magaalada Buulo-burde kadib markii halkaasi ay isaga baxeen Xarakada Al Shabaab.

C/casiis Duuroow Cabdi, Gudoomiyaha Degmada Buuloburde oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in muhiimada gaar ah ay u leeday Maamulkiisa la wareegista Degaanka Buurweyn, Maadaama sida uu sheegay uu ahaa halka ay ka go’doomin jireen degmada Buulo-burde.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xaalada Degaanka Buurweyn ay deggan tahay islamarkaana Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay halkaasi ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka Degaanka.

Halkaan ka dhageyso