DHAGEYSO:- Cumar Faaruuq ”Maxkamadda Sare ayaa ii Xugmisay in aan ahay Xoghayaha NUSOJ

0

Shir Jiraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho Cumar Faaruuq Cismaan oo ah Xoghayaha Guud Ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ee Dalka ay u Xukmisay Asaga inuu yahay Xoghayaha Ururka Nusoj Ee Sharciga ah.

Cumar Faaruuq Cismaan ayaa sheegay in ay jiraan Dad  Adegsada Magaca Ururka oo wada shaqeyn la leh Wasaarado Dowladda Federaalka ka tirsan islamarkaana markii uu arkay Arrintaasi uu Dacwo u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Dalka sidaana ay ugu Xukmisay inuu yahay Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Ee NUSOJ.

Sidoo kale Cumar Faaruuq Cismaan ayaa dadka Arrimahaasi wada ugu baaqay in ay ka waantoobaan,maadaama asaga loo xukumay inuu yahay Xoghayaha Sharciga ah EE NUSOJ.

Dhanka kale Maxamed Ibraahim Pakistan oo asna sheegtay inuu yahay Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta NUSOJ  oo aan la Xariirnay si aan wax uga wey diino Arrintaan ayaa ka jawaabi waayay Taleefoonkiisa gacanta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-