DHAGEYSO:- C/weli Gaas oo ka hadlay Abaaraha ka jira Deegaanada Puntland

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka war heleen in deegaanada Puntland ay ku dhufan doonto Abaar isla markaana ay qorsheynayaan in ay ka hor tagaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Hay’adaha Caalamka ee gargaarka bixiya ay kala hadleen sidii loogu hor tagi lahaa.

Waxa uu sidoo kale in ay muhiim tahay in Hay’adaha gargaarka bixiya ay kala qeyb qaataan ka hor taga Abaaraha laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib Kulan uu la qaatay Hay’adaha bixiya gargaarka, waxa uuna kala hadlay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen ka hor taga Abaarta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-