DHAGEYSO:- Dad ku dhintay Dab ka kacay Xerada Rajo

0

Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Dab ka kacay Xerada Rajo oo dhimasho iyo Dhaawac geeystay uu goor dhaweyd ka kacay Xeradaasi.

Ugu yaraan Saddex Ruux ayaa ku dhimatay 4 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Dabka ka kacay Xerada Barakacayaasha ee Rajo oo ku taalla Degmada Wadajir.

Sidoo kale waxaa jira Khaasaaro Hantiyadeed oo soo gaaray Xerada,waxaana Bas beelay Guryo badan oo ka sameysan Baco iyo Cooshado oo Xerada Rajo ka dhisnaa.

Dadka ku dhintay Dabka ka kacay Xerada Barakacayaasha Ee Rajo ayaa la sheegay in ay isku Qoys yihiin.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga