DHAGEYSO:- Dadka ku nool magaalada Marka oo ka walwalsan isbed bedelka iyo xiisada kajirta magaaladaasi

0

Waxaa xaalad deganaan ah laga dareemayaa magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii muddo 24 saac ah isku badaleen maamulka magaalada ciidamo ka tirsan dowlada & Alshabaab.

Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa ku sugan magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ciidamada dowlada ay barqadii shalay la wareegay magaalada, wallow markii dambe ciidamada Al-shabaab ku laabteen magaalada Marko.

Inkastoo xaalada magaalada ay degen tahay ayaa haddana isbedelka maamulka magaalada Marko ee dhacay muddo 24 saac ah gudahood ah, waxaa walaac ka muujiyay shacabka magaalada Marko.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Marko ayaa sheegay in shacabka magaalada ay muujinayaan cabsi dhanka amaanka ah, iyagoo si gaar ah kaga baqaya in markale lagu dul dagaalamo.

Al-shabaab ayaa Jimcihii qabsaday magaalada Marko, waxaana dib looga qabtay sabtidii Shalay, inkastoo Al-shabaab gelinkii dambe ee shalay ay dagaal ku qabsadeen magaalada Marko.

Halkaan ka dhageyso