DHAGEYSO:- Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe gaar ahaan Degaanka Cali dheere oo hostaga Degmada Mahadaay ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga ay Weerar Gaadmo ah ku  qaadeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo watay Gaari Hoomeey ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa 8 ka mid ah Raggii Shabaabka ahaa halkaa lagu dilay sida ay noo sheegen Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.

Lama Oga ilaa hadda Khasaaraha soo gaaray Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Weerarka Dhabo galka ah ku qaaday Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe, waxayna mararka qaar Weeraro ku qaadaan Xarumaha Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-