DHAGEYSO:- Dowlada Hindiya oo kordhineysa deeqaha Waxbarasho ee siiso Soomaaliya

0

Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Bille Nuur ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka dalbatay dowlada India, iney u kordhiso deeqaha waxbarashada ee la siiyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay inuu la kulmay xubno ka tirsan dowlada India oo ay ka wadahadleen arimo ay kamid yihiin kordhinta deeqaha waxbarashada ee la siiyo dadka waxbarta ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay iney si gaar ah dowlada India kaga dalbadeen iney siiso dhalinyarada Soomaaliyeed kuliyado gaar ah si ay dhalinyarada kaga faa’ideystaan.

Dowlada India ayaa ka mid ah dowlado badan oo caalamka ku yaala kuwaasi oo fursado waxbarasho siiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku barta dalkooda hooyo si ay aqoontooda usii kororsadaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-