DHAGEYSO:- Dowlada oo shaacisay Natiijada Baarista Qaraxii Diyaarada daallo Airlines iyo Sir Banaanka la soo dhigay

0

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday natiijadii ka soo baxday baaritaankii Qaraxii Diyaaradda Daallo Airline ee bishaan gudaheeda dhacay.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in cilad farsamo aanay aheyn waxa ku dhacay Diyaaradda Daallo, balse ay ahayd qarax ula kac ah.

“Waxaa dooneynaa inaan idinla wadaagno natiijada ka soo baxday baaritaanka qaraxii diyaaradda Daallo Airline, markii hore tuhumo ayaa jiray, waana baareynay, waxaa idin sheegeynaa in diyaaraddaas ku socotay Jabuuti oo siday 74 rakaab ah iyo todobo shaqaale ah in loo adeegsaday walxo qarxa”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali.

Waxa uu sheegay inuu wali socdo baaritaanka, isla markaana natiijadan ay tahay mid horu dhac, waxaana uu xusay in baaritaanka ay ka qeyb qaateen qubaro Soomaali iyo kuwa caalami ah.

“Baaritaanada dheeraadka ah waxa ka qeyb qaatay Khubaro Soomaali iyo kuwa Caalami ah, waxaa idin xaqiijineynaa in waxa ka dhacay uusan aheyn cilad farsamo, balse uu ahaa qarax loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo diyaarada iyo rakaabkii saarnaa, Ciidamada Amniga waxay gacanta ku dhigeen dad ku lug lahaa qaraxa diyaadaha ka dhacay”ayuu yiri Mr Jangali.

Sidoo kale Waxaa Warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan “ Xaamud” waxa uuna sheegay in ay weli socoto baaritaanka isla markaana ay soo saarayaan Natiijo dhameystiran

2-bishaan ayay ahayd Markii Diyaarada Daallo Airlines gudaheeda Qarax ka dhacay, waxaana Waxyeelo ay ka soo gaartay Rakaabkii saarnaa Diyaarada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-