DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo weli ku adkeysaneysa dacwada ay ka gudbisay Kenya

0

Dr. Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka oo booqasho ku joogga dalka Holland, ayaa Maxkamadda The Hegue waxaa uu u gudbiyay warqad ka dhan ah Kenya.

Warqadan, ayaa waxay ka horimaaneysaa dalabaadkii Kenya horey kaga soo yeeray, ee ahaa in dacwadda badda Somaliya lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda Cadaaladda Caalamka.

“Waxaan joognaa Maxkamadda Caalamiga ah, aniga, safiirka iyo qareennada waxaana u imid in aan gudbino jawaab ku saabsan warbixinta oo ay kalhore keentay Kenya, runtii 5-ta bishan ayay ku ekeyd, Al Xamdullilah waqtigii naloo qabtay ayaan ku keenay.” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Waxa kaloo uu yiri “Runtii jawaab ku filan tan Kenya ay maxkamadda keentay ayaan maanta u gudbinay, runtii sanadkii hore anagu waxaan si rasmi ah u soo gudbinay dacwad buuxdo, balse Kenya ayaa soo gudbisatay warqad ay ku hor istaageyso in dacwadda la qaado, anaguna markale ayaan jawaab ka dhan ah arrintaasi keenay Maxkamadda.”

Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa qaba in Somaliya ay ku guuleysan doonto kiiska kala dhaxeeya Kenya, maadaama ay Somaliya ku taagan tahay wado sax ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-