DHAGEYSO FALANQEYN:- Daacish oo lala xiriirinaayo Qaraxii diyaarada Daallo

0

Dowadda Somalia ayaa weli wada baaritaanka ku aadan dayuuraddii Daalo ee qaraxa la doonayay in lagu soo rido ka badbaaday Talaadadii la soo dhaafay.

Inkastoo dowladda ay soo bandhigtay caddeymo horu dhac ah, dadna ay u qabqabatay, haddana weli baarista kiiska dayuuradda ayaan soo geb-geboobin.

Waxa xiran dad ka badan 11 qof oo uu ku jiro mid ka mid ah laba qof oo Kaamirada Garoonka Muqdisho ay qabatay iyagoo Labtob la aaminsan yahay in wixii qarxay lagu diyaariyay u dhiibaya nin oday ah, oo qaraxii diyaaradda uu tuuray, kaasi oo meydkiisa laga helay meel ku dhow degmada Balcad.

Greg Barton oo ah khabiir dhinaca arrimaha argagixisada, kana tirsan jaamacadda Deaking ee dalka Australia ayaa ka hadlay arrimahan.

Halkaan ka dhageyso