DHAGEYSO:- Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federalka oo Caydiid Ilka-xanaf ku eedeeyay inuu sharciga si qaldan u isticmaalay

0

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federalka Somalia, Dr. Cismaan Cilmi Guuleed ayaa daaha ka rogay in Xukunka uu go’aamiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare yahay Xukun Sharci-darro ah.

Garyaqaanka Guud oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdisho waxa uu sheegay in qaabka uu Dacwadda u qaaday Caydiid Ilka-xanaf tahay mid xaq-darro, maadaama uu Xukun riday iyadoo mid ka mid dhinacyadda ay Dacwaddu khuseysay uu ka maqnaa Madasha Maxkamadda, loona yeerin.

“Labada dhinac ee Dacwaddu u dhexeyso ee Cumar Faaruuq iyo Maxamed Pakistan iyagoo wada jooga magaalladda Muqdisho ayaa waxaa si sharci-darro ah hal dhinac loogu xukmiyey dacwadda” ayuu yiri Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federalka oo intaasi ku daray in dib loo qaadi doono Dacwadaas.

Dr. Cismaan Cilmi Guuleed waxa kaloo uu ka shanqariyey Is-haysashadda Xilka ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka “NUSOJ” uu yahay arrin khuseysa Xirfadleyda Saxaafadda.

 

 

Halkaan ka dhageyso