DHAGEYSO:- Garyaqaanka guud ee Dowladda oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Dacwadii Xisbiyada Siyaasada ay ka gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Somaliya

0

Garyaqaanka guud ee Qaranka Cismaan Cilmi Guuleed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Dacwadii Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ay ka gudbiyeen Madaxda Xisbiyada dalka Somaliya.

Shir jaraa’id uu maanta Muqdisho ku qabtay Garyaqaanka guud ee dalka waxa uu sheegay sababta aysan dacwadaasi waxba uga jirin inay tahay in Xisbiyo sharci ah dalka xilligan aysan ka jirin.

Wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda Somaliya dacwad laga gudbin karo, balse muhiimada ay tahay in dacwadaasi ay noqoto mid sharci ah oo nidaamka saxda ah loo maro.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa tilmaamay in Dowladda Somaliya weli aysan soo saarin Sharciga Axsaabta dalka, sidaasi awgeedna Dacwada aysan jirin.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka Xanaf, ayaa horay Warbaahinta wuxuu ugu sheegay in loo soo gudbiyay dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha, Dacwadaasi oo ay soo gudbiyeen Madaxda Xisbiyada.

Dowladda Somaliya weli ma aysan soo saarin Sharciga Axsaabta dalka, waana mida kentay in Garyaqaanka Dowladda uu Dacwada Asxaabta Siyaasada ay gudbiyeen ku tilmaamo mid aanan sharci aheyn.

Halkaan ka dhageyso