DHAGEYSO:- Guddoomiye Jawaari”Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaan kala hadlay in Xildhibaanada aan Xasaanada laga qaadin”

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan oo maanta Shir Guddoominayay Kulanka Baarlamaanka ayaa Xarunta ay ku Shiraan Baarlamaanka ka sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ay kala hadleen in aan lagu Xad gudbin Xasaanada Xildhibaanada Soomaaliya.
Guddoomiye Jawaari ayaa Xusay in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda uu ka Aqbalay Dalabka Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu Ra’iisul Wasaarahu cadeeyay inuu Go’aan Deg Deg ah Arrintaasi ka soo saari doono.
Baarlamaanka Soomaaliya qaar ka mid ah ayaa Mooshin ka keenay hadal Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeediyay Xurnta Baarlamaanka oo ahaa in Xildhibaanada la baarayo Xilliyada ay ka dhoofayaan Goroonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Halkaan ka dhageyso