DHAGEYSO:- Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir oo maanta gaaray Magaalada Baledweyne

0

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana magaalada kusoo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka Hiiraan.

Wariyaha ku sugan magaalada Beledweyne ayaa soo sheegaya in wafdiga Tarsan ay halkaasi u tageen sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen waxgaradka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Maxamuud Axmed Nuur, ayaa hadda kulamo la qaadanaya waxgaradka magaalada Beledweyne ee kasoo carooday shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ka socdo magaalada Jowhar.

Xubnaha maamulka Degmada Beledweyne iyo kan gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin wafdiga gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ee maanta gaaray magaalada Beledweyne.