DHAGEYSO:- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Tarsan oo sheegay in askar baahan aysan amaan sugi karin

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay amni darra uu sheegay in ay ka jirto dalka ,taas oo uu sabab uga dhigay in Dowladda aysan bixin Mushaarka Ciidanka Soomaaliyeed ee laga doonayo in ay maniga dalka sugaan.

Tarsan waxaa uu sheegay in Ciidanka Dowladda ay gaarayaan 20,000 oo Askari, Bishiina ku filan tahay kaliya $6 Milyan oo Doollar,waxaana uu dhaliil ka keenay sababta aysan Dowladda u awoodin in Lix Milyan ay ku iibsato amniga dalka.

Askariga aan Mushaarka helin ee ay Carruurta ku xiriirta ayuu sheegay in ay waxkasta ka suuroobaan,waxaana uu intaa ku daray in Dowladda ay ku dayaasho Mushaarka Ciidanka ay ku filan tahay Sugidda amniga dalka.
Waxaa uu intaa raaciyay Tarsan in Lacagta Mushaarka Ciidanka laga qaado UNDP,loona baahan yahay in la siiyo Askarta ku shaqeeya xaaladda adage e ay ku jiraan.

Halkaan ka dhageyso