DHAGEYSO:- Gudoomiyaha G/Banaadir oo war cad ka soo saaray guryaha lagala heysto ee Gobolka

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir  ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa digniin culus mar kale u diray dadka sida sharci darada ah ama xooga ah ku heysta guryo ku yaallo Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in ay dadkaasi ka qaadi doonaan talaabo sharci ah isla markaana ay si adag ula xisaabtamayaan.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa sidoo kale in ay muhiim tahay in si nabad ah iyo isku soo dhawaansho ah lagu wada noolaado Gobolka Banaadir.

Waxa uu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uusan ogolaan doonin in si xoog ah loo heysto guryaha iyo hantida dadka shacabka ah oo aan lahayn awood ay isaga celiyaan dadka kale.

Hoos ka Dhageyso Codka:-