DHAGEYSO:- Gudoomiye ka qeyb galay aaska askri Kenyan ah oo lagu dilay Ceel-cadde oo Codsi u diray Uhuru Kenyatta

0

Gudoomiyaha degmada Bomet ee dalka Kenya Isaaq Ruto ayaa ka codsaday dowlada Kenya in ciidamada dalka Kenya laga soo saaro gudaha dalka Soomaaliya, maadaama dhibaato badan ay kala kulmeen Al-shabaab.

Isaaq Ruto, wuxuu sheegay in ciidamada Kenya tan iyo markii Soomaaliya ay soo galeen sanadkii 2011 ay kordheen weerarada Alshabaab u geysanayaan shacabka dalka Kenya iyo saldhigyada ciidamada ku leeyihiin dalka Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlay magaalada Kericho  kana qeyb galayay aas loo sameynayay askari deegaanka kasoo jeeda laguna dilay Ceel-cadde ayuu ka codsaday Kenya iney ciidamadooda ka saaraan dalka Soomaaliya.

Mr Ruto oo hadda ah gudoomiye Degmo ayaa shaaciyay in ciidamada waxyeelada ugu badan kala kulmaan Al-shabaab, si lamid ahna Alshabaab ay waxyeeleeyaan shacabka ku sugan deegaanka dhanka xuduuda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maadaama shacabka Soomaaliyeed qaarkood ay qabaan fikrad ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Kenya haboon tahay in laga saaro dalka Soomaaliya.

“Haddii shacabka Soomaaliyeed aysan jecleyn ciidamada ayna u arkaan dad cadow ku ah, ma aqaan sabab ay halkaasi ciidamadeena usii joogaan, waana in laga soo saaraa”ayuu yiri gudoomiyaha Degmada Bomet ee dalka Kenya.

Waxii ka dambeeyay markii Al-shabaab bartamihii bishii Janaayo weerar ka geysteen saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-cadde waxaa sii kordhiyay Siyaasiyiinta madaxweynaha Kenya ku cadaadinaya in ciidamadooda laga saaro Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-