DHAGEYSO:- Gudoomiye Tarsan oo Odayaasha Reer Hiiraan ku qasbay iney tagaan Jowhar

0

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo ku sugan Magaalada Beledweyne  ayaa Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan ugu baaqay iney tanaasul sameeyaa isla markaana ay ka qeyb qaataan dhismaha maaamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay in ay joojiyaan shirarka gaar gaarka ah ee ka soconayo magaalada Beledweyne oo uu sheegay in aysan Muhiim ahayn shirarkaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Shirarkaasi ay noqdaan kuwa Muhiim ah isla markaana wax u tarayo Shacabka reer Hiiraan.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa Odayaasha iyo Waxgaradka ugu baaqay iney tagaan Jowhar, si ay ugu qeyb noqdaan Shirka la doonayo in Maamul loogu sameeyo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan qancinta Beelaha ka soo Carowday Shirka ka soconayo Jowhar ee hada ku sugan Magaalada Beledweyne.

Hoos ka Dhageyso Codka:-