DHAGEYSO:- Howlgal dad lagu soo qabtay oo Maanta laga sameeyay Ceel-Buur

0

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo dad lagu soo qabtay ka sameeyay degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud iyo deegaano kale oo ku teedsan.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay ku soo qabteen dad la sheegay iney ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab,kuwaasi oo sida la sheegay ku dhuumaaleysanayay tuulooyin hoostaga degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidamada bariga gobolka Galgaduud Axmed Maxamed Tareedisho oo la hadlay warbaahinataa ayaa sheegay in howlgal ay qaadeen ciidamada Dowladda ugu suurta gashay iney gacanta ku dhigaan deegaano cusub oo hoostaga degmada Ceel-buur,kuwaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Sidoo kale,Taliyaha ayaa tilmaamay iney sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan guud ahaan gobolka Galgaduud.

Ururka Al-shabaab,ayaa wali waxay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Hoos ka Dhageyso Codka:-