DHAGEYSO:- Jawaari oo sheegay in uu wadada sharciga marin doono Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xaqiijiyay inuu haayo Mooshin laga soo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya oo ay soo gudbiyeen xildhibaano badan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in uu Moshinkaan marin doono Wadada Sharciga ah isla markaana uu ilaalinayo sharciga marinta Mooshinka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay wanaagsan tahay in la qanciyo Xildhibaanada soo gudbiyay Mooshinka, waxa uuna Xildhibaanada ka codsaday in aan la siyaasadeyn mooshinkaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-