DHAGEYSO:- Ka dib qaraxii diyaarada Daallo Somaliland oo Amniga Garoomadeeda Adkeyneysa iyo Wasiir sheegay shaxda lagu wajahaayo…

0

Iyadoo dhawaan qarax ka dhacay gudaha diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo oo ka kacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa isa soo taraya walaacyada amni ee garoomada diyaaradaha qaarkood.

Somaliland waxa ay sheegtay inay qaadday tallaabooyin kor loogu qaadayo amniga garoomada diyaaradaha, waxaanay soo saartay amaro la xidhiidha dadka dhoofaya.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo VOA u waramay, ayaa sheegay in amarradaasi ay ka mid yihiin in si gaar ah loo soo dhaweeyo dadka diyaaradaha ka soo raaca Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso