DHAGEYSO KHUDBAD DHAMEYSTIRAN IYO WASIIR ODOWAA:- Aimo muhiima ayuu kala hadlay shacabka reer Hobyo, Maxaase kaga soo baxay kulamadiisa odoyaasha ?

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowlada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ” Odawaa” oo Maanta gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa Shacabka Hobyo ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan nabada, dhismaha iyo hormarka Magaalada Hobyo.

Waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Maalmihii dambe ku sugnaa Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug iyo sida uu mar walbo diyaar ugu yahay hormarinta Degmada Hobyo.

Wasiir Odawaa ayaa shacabka Degmada Hobyo sidoo kale ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulkooda iisla markaana ay kaalin weyn ka qaataan nabadeynta Degmada Hobyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay socdaan dadaalo lagu hormarinayo Degmada Hobyo, Wasaarada Arrimaha gudahana ay kaalinteeda ka qeyb qaadaneyso hormarintaasi.

DHAGEYSO:- Khudbada Wasiirka Arrimaha gudaha uu ka jeediyay Xafladii lagu qabtay Hobyo