DHAGEYSO:- Maamulka Bakool oo war aan laga fileyn ka soo saaray Xasuuqii Itoobiya shacabka ugu geysteen Degaanka Rabdhuure”’Maamuladaan Ma itoobiyan baa mise waa Soomaali”

0

Gudoomiyaha Degaanka Rabdhuure ee Gobolka Bakool Maxamed Kheyre Salaad oo la hadlay Idaacada Shabelle ee Magaalada muqdisho ayaa beeniye in Ciidamada Itoobiya ay halkaasi ku Dileen nawaaxiga Degaanka Rabdhuure.

Maamad Kheyre Salaad, Gudoomiyaha rabdhure ayaa war aan sal iyo raad toona la heyn ku tilmaamay warkaasi ku aadan in Ciidamada Itoobiya ay dad rayid ah ku dilen nawaaxiga Degaanka Rabdhuure ee Gobolka Bakool .

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen hareeraha Degaanka Rabdhuure.

Maxamed Kheyre Salaad, Gudoomiyaha Degaanka Rabdhure ayaa dhinaca kale ka warbixiyay xaalada amaan ee Dagaankaasi waxuna xusay Gudoomiya in Degaanka Rabdhuure xaaladiisu tahay mid amaan ah isla markaana la isku haleen karo.

Sikastaba, Dadka ku nool Degaanka Rabdhuure ayaa Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdsho u sheegay in laba ruux oo xoola dhaqata ah ay ciidamada Itoobiya ku toogten Duleedka Degaanka Rabdhuure ee Gobolka Bakool.

Halkaan ka dhageyso