DHAGEYSO:- Maamulka Degmada Buulo burde oo Shabaab ku eedeeyay inay gowraceen wadaad si weyn looga yaqaanay Gobolka Hiiraan

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wadaad caan ahaa oo xalay la sheegay in lagu gowracay deegaan hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kadib markii gurigiisa lagala baxay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in wadaadka oo si weyn loo yaqaan uu deganaa guri ku yaala deegaanka Jameeco Mubaarak oo qiyaastii 25 Km u jira degmada Buulo-burde, waxaana la ogeyn cidda falkaasi ka dambeysay.

Maamulka degmmada Buulo-burde oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa ku eedeeyay in ururka Al-shabaab falkaasi ka dambeeyaan, waxaana jirin cid eedeyntaasi xaqiijin karta.

Wadaadka ayaa lagu magacaabayay Sheekh C/laahi Sheekh C/casiis waxaana uu in muddo ahaa deganaa deegaanka Jamaace Mubaarak oo falka uu xalay ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in sidoo kale uu baxsaday wiil uu dhalay wadaadkaasi kaasi isna la damacsanaa in kooxda hubeysan ay gowracaan.

Halkaan ka dhageyso