DHAGEYSO:- Maamulka Degmada Dharkeynleey oo ka hadlay isqab qabsiga dhulalka ee Degmadaasi

0

Gudoomiyaha Degmada Dharkeynleey ee Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Meyre Macoow oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay isqab qabsiga dhulalka ee ku soo badanayo Degmada Dharkeynleey.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in isqab qabsiga dhulalka Degmada Dharkeynleey ay joogto ka tahay isla markaana ay mar walbo ku dadaalaan iney xaliyaan.

Waxa uu tilmaamay in xalintooda ay la kaashadaan guddiga xalinta khilaafaadka ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uu xusay in ay mar walbo ku dadaalayan in si cadaalad ah ay ugu shaqeeyaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa horay u sheegay in aysan aqbali doonin in si xoog ah loo heysto hantida iyo guryaha shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-