DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, iyo dardargelinta Canshuuraha

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka ayaa Maanta ka shiray dardar gelinta Canshuuraha iyo sugida amniga caasimada.

Sidoo kale waxay ka shireen hormarinta iyo nadaafada caasimada muqdisho, iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen laamaha amaanka gobolka iyo shacabka.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulanka iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee loogu hadlay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-